Kolonel Bosco Mutambi oo Taliye u ahaa Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa lagu sii daayey damiin, kadib, markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Milliteriga ee magaalladda Kampala amray in lagu sii daayo damiin aan Kaash ahayn, balse u dhiganta 5 million oo Shillinka Uganda ah.
Taliyahaasi hore ayaa lagu soo oogay inuu habacsanaan shaqo muujiyey, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii September 1-dii ee sannadkii hore ku qaadeen Saldhigii ay Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Deegaanka Janaale ee Gobalka Sh/hoose, laguna dilay 19 Askari oo Ugandese ahaa.
Kolonel Bosco Mutambi ayaa la sheegay inuu ku fashilmay Waajibkiisa iyo inuu Ciiddankiisa ku wargeliyo Weerarkii Alshabaab ee ku soo fool lahaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Milliteriga Uganda, Jeneral Andrew Gutti ayaa sheegay inaysan haynin caddaymo ku filanin oo ay Dacwad-oogayaasha ka soo gudbiyeen Sarkaalka la eedeynayo.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin Dembiyo u diiwaan-gashaan Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, wuxuuna amray in lagu sii daayo damiin aan Lacag Kaash ahayn oo u dhiganta 5 million oo Shillinka Uganda ah.
Dhinaca kale, Maxkamaddu waxay ku amartay Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Kolonel Bosco Mutambi inuu ka bixi Karin magaalladda Kampala, isagoo aan haysanin Fasax Maxkamadeed iyo inuu Bishiiba labo jeer iska soo diiwaan-geliyo Maxkamadda Milliteriga Uganda.
Kiiska Kolonel Mutambi ayaa dib loo dhigan tan iyo bisha soo socota ee September 5-da, si Dacwad-oogayaasha fursad loogu siiyo inay soo dhamaystiraan Baaritaankooda ku aadan dacwadda ay ku soo oogeen Taliyihii hore ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan