Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo shir ka yeeshay Qodobo dhowr ah

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xalay guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Amniga, Howlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada Hirshabeelle, Maareynta fatahaadaha Wabiga Shabeelle, Warbixin Barnaamijka xasilinta iyo heerarka ay marayaan, Barnaamijka kasoo kabashada xasaradaha (SCRP), iyo Qorshe-yaasha Caafimaadka ee Hirshabeelle gaar ahaan Cusbitaalka Jowhar.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixyay amniga guud ee Hirshabeelle, Guulaha laga gaaray howlgalada iyo diyaar garowga loogu joro wajiga 2aad ee Howlagalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay halka uu marayo Barnaamij-ka xasilinta oo laga fulinayo deegaanada la xoreeyay si bulshada u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan shaqaaleysiinta Macalimiin isagoo xusay inay gabo-gabo marayso Imtixaanaadka lagu qaadanayo 400 boqol oo macalimiin ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Golaha la wadaagay xaalada Cusbitaal Goboleedka Jowhar.

Madaxweynaha ayaa u Mahadceliyay Golaha isagoo faray inay dardargaliyaan shaqooyinka adag ee horyaala.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor