Dhulgariirka ayaa dhacay xilli ay dadku hurdeen, waxaana ruxmay Dhismayaasha ku yaalla Degmooyin iyo Tuullooyin ka tirsan 3 Gobal ee kala ah: Umbria, Lazio iyo Marche.
Duqa Degmadda yar ee Amatirike, Serjiyo Pirozzi ayaa u sheegay Telefishinka Dowladda Talyaaniga ee RAI in Kala-bar Degmadiisa uu soo gaaray burbur xoogan.
Halbeegga Dhul-gariirka ku dhuftay Bartamaha Talyaaniga ayaa lagu qiyaasay 5.5, wuxuuna dhul-gariirku si xun u burburiyey Degmooyinka Akumoli, Posta iyo Arkuwata del Toronto oo 170 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Rooma.
Dadka ku nool Rooma ayaa ku soo toosay Ruxunka Dhulgariirka ka dhacay Bartamaha dalkaasi, waxaana la sheegay in la la’ yahay dad badan oo ku hoos xaniban Dhismayaasha burburay.
Dhinaca kale, Dhulgariir sannadkii 2009-kii ka dhacay Degmadda La Akuyla, waxaa ku geeriyootay in ka badan 300 oo qof.
©Radio Dalsan