Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Syria ama kuwa Raashiya ayaa la sheegay inay geysteen Duqeyntaasi oo ka dhacday meel ku dhow magaalladda Aleepo ee dalka Syria
QM ayaa xaqiijisay in la duqeeyey gaadiid waday Shixnado Gargaar, balse wax faahfaahin ah kama bixinin dalka fuliyey duqeyntaasi iyo tirada dadka lagu dilay weerarkaasi.
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ee Caalamiga (ICRC), Elhadj Asy ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 14 Mutadawaciin ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Syria.
Waxa uu intaasi ku daray in ugu yaraan 18 ka mid ah 31 gaadiidka Xamuulka ee waday Gargaarka lala beegsaday duqeyntaasi.
Gaadiidka la duqeeyey ayaa la sheegay inay Gargaar Aadminimo u wadeen 78,000 oo qof oo ku dhibaataysan Tuulladda Urma Al-kubra oo ka tirsan Gobalka Aleepo ee dalka Syria.
©Radio Dalsan