Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii Morocco oo gaartay 2 kun oo Qof

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Morocco ayaa soo saartay tiro-koobkii u dambeeyey ee dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii habeen hore ka dhacay dalkaasi.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay inay 2,012  qof ku dhinteen, halka ay 2 059 kalena ku dhaawacmeen,  kuwaasi oo 1,404 ka mid ah ay xaalladooda aad u liidato.

Gobalka Al Haouz oo keliya waxaa la soo weriyey inay 1,293 qof ku dhinteen.

Dhanka kale, Boqorka dalka Morocco,  Maxamed-ka Lixaad (VI) oo shir gudoomiyey Kulan looga hadlayey Khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirkii xalay ka dhacay dalkaasi.

Boqorka waxa uu iclaamiyey Baroordiiq Qaran oo 3 maalin ah iyo in Calanka hoos loo dhigo doono maalmaha lagu jiro Baroordiiqda Qaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply