Afhayeenka Xarakadda Alshabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” ayaa War ka soo saaray Doorashadda Dadban ee dhawaan ka dhici doonta magaalladda Muqdisho iyo Maamul-gobaleedyadda .
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Doorashadaasi ka hor imanaayso Shareecadda Islaamka, isla markaana Doorashaddaasi tahay Jiha-wareern, isla markaana looga dan leeyahay Ajendayaal ay Dowlado shisheeye wataan.
Sheekh Cali Dheere waxa uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka ee soo xulayo Xildhibaanadda Barlamaanka Dowladda Federalka inaysan noqonin Jaranjaro lagu meel gaarayo.
Afhayeenka Alshabaab waxa uu sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inaysan ka qeyb galin Doorashadaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in go’aanka Alshabaab ka qaateen Doorashadda tahay Dagaal iyo Dil, waa sida uu hadalka u yiri.
Idaacadda Andulus ee ku hadasha Codka Xarakadda Alshabaab ayaa baahisay Hadalka Digniinta ee ay Alshabaab ka soo saareen Doorashadda Dadban ee ay Dowladda Federalka horey u iclaamisay in la qaban doono.
©Radio Dalsan