Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai iyo Kooxda Qareenadda ee difaacaysa Sheegashadda qeybo ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia ayaa shalay u gudbiyey Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalladda Hague ee dalka Holland inay Dowladdii KMG ee Somalia horey u wada gaareen Heshiis Is-faham (MoU) oo ku aadan Muranka Xuduudka Badda ee Somalia.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya waxa uu Maxkamadda ICJ shalay ka hor sheegay inaysan doonayn in Kiiska Muranka Xuduud-baddeedka dhegeysato Maxkamadda ICJ, wuxuuna ku dooday inuu jiro Heshiis Rasmi oo ay horey ula gaareen Dowladii KMG ee Somalia.
Waxaa kale oo uu tilmaamay inay Dowladda Kenya si hagar la’aan ah taageero uga geysanayso Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia, wuxuuna Dowladda Federalka ku eedeeyey inay ku dhaqmayso daacad-darro.
“Boqolaal Askar Kenyan ayaa ku lumiyey noloshooda iyagoo difaacayo Dowladda Somalia, waxayna Askartaasi iyo Qoysaskooda ku bixiyeen qiimo qaali ah sidii ay deriskeenna Somalia ugu noolaan lahaayeen Nabad” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Garsoorka Caalamiga ee ICJ.
Dhinaca kale, Qareen Kariim Axmed Khaan oo u dhashay dalka Britain, kana mid ah Qareenadda Caalamiga ee ay Dowladda Kenya soo kireysatay ayaa isagana Kulankii shalay ee Maxkamadda ICJ ka sheegay inay hayaan Heshiis Rasmi ah oo ay wada ansixiyeen Madaxweynihii Dowladda KMG ee Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid oo xilligaasi Ra’isul-wasaare ka ahaa Xukuumadii KMG.
Kariim Axmed Khaan waxa uu ku eedeeyey Dowladda Federalka Somalia inay bedelayso Kiiskaasi, kadib, markii ay xaqiiqsadeen inuu ansax yahay Heshiiski iIs-fahamka (MoU) ee ay Dowladaha Somalia iyo Kenya kala saxiixdeen sannadkii 2009-kii, waa sida uu hadalka u yiri.
Wuxuuna sii raaciyey inuu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid horey u saxiixay Heshiiskaasi Is-fahamka Badda, loona baahan yahay inuu ka laabto Saxiixiisa, si Dacwadda weji cusub u yeelato.
Heskiiskaasi Is-fahamka ee ay Dowladdii KMG ee Somalia iyo Dowladda Kenya gaareen waxaa dhinaca Somalia u saxiixay Wasiirkii Qorsheynta ee Dowladii KMG, C/raxmaan C/shakuur Warsame, halka Dowladda Kenyana uu u saxiixay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Moses Wetang’ula.
Si kastaba ha ahaatee, Qareenadda Kenya ayaa ka baqanaya in Dacwadda ICJ ku lumiyaan ugu yaraan 5 goobood oo ka mid ah Xuduud-baddeedka Saddex-geesoodka ee dhererkeedu yahay 100,000 o oKM oo isku Wareeg ah.
©Radio Dalsan