Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Shirka Maanta u furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis hordhac ah looga gaaray qodobo la xiriira Doorashada oo khilaaf ka taagan yahay.
Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku beeniyay wararka la faafiyay ee sheegayay in Shirka heshiis looga gaaray qodobo, isagoo been abuur ku tilmaamay heshiiska la sheegay in la gaaray.
Macalimuu ayaa xusay in uusan jirin wax heshiis ah oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ay gaareen Maanta, isla markaana Shirka uu bilowday kaliya Jawi wanaagsan, la iskuna soo laaban doono berri.
“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.
Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.
Shirka ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.