Waxaa dib loogu celiyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ciidankii horay u joogay ee qaabilsanaa suggida ammaanka xaruntaasi.
Ciidamadan ayaa horay loogala wareegay ammaanka Xarunta Golaha Shacabka, soo ifbixii Khilaafka u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Golaha Shacabka Somaliya.
Ciidamadan ayaa gaaraya 114 askari oo boolis ah waxaa amniga dhismaha Baarlamaanka dhawaan kala wareegay ciidamo kale oo uu gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.
Xukuumada Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax faah-faahin ah ciidamadaasi.
Mas’uuliyiin ka dhaw guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in ciidankaasi saakay lagu soo celiyey dhismaha Baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan masuuliyadda amniga gudaha ee dhismaha.