Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay xarunta Qalabka Hawada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Xubno Wasiiro hore.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xariga jaray xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,isagoona halkaasi ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo uu kaga hadley muhiimadda ay leedahay soo wareejinta Hawada Soomaaliya iyo dadaalka Dowladda ay ku bixisay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay waqti badan gelisay la wareegitaanka maamulida Hawada Soomaaliy isla markaana dhawaan la gudageli doono Shaqooyin kale oo adag sida in la dhameeyo muranka Badda ee u dahxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa isna sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay maanta ka mira dhalisay waqtigii ay ku bixisay sidii dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya maamulka hawadeeda.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.