Waxaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka furmay kulanka 12-aad kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxa uu ku furmay 152 xildhibaan,waxaana shir Guddoominaya guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad.
Wariyaha Warbaahinta Dalsan oo ku sugan Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa soo sheegaya in kulanka ay goobjoog yihiin Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha kulanka ayaa ah Akqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhawrka guud ee lambarkiisu yahay 34 ee soo baxay 14/04/1972.
Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa xildhibaanada golaha shacabka u aqriyay hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga hanti dhawrka guud ee lambarkiisu yahay 34 ee soo baxay 14/04/1972.
Kulanka waxaa goobjoog ka ah xubno ka socda wasaarada maaliyada sida wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Mudane C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocoow), Xisaabiyaha guud, Agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada iyo xubno kale.