Wakaalladda Wararka XINHUA ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa galabta shaacisay inay Saraakiil ka tirsan Ammaanka Somalia u sheegeen in la xiray Saraakiil ka tirsan Waaxda Duulista Hawada, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay wax ka qorsheyeen Qaraxii fashilmay ee lala maaganaa in lagu qarxiyo dadkii la socday Diyaaradii Daallo Airlienes, waa sida ay Wakaalladda XINHUA shaacisay.
Wakaalladda waxay sheegtay in Ilo-wareed ku dhow Baarayaasha u sheegeen maanta oo Isniin ah inay Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV qabteen Muuqaalka labo nin oo mid uu gacanta ku hayo Laptop iyo nin kale oo ugu dambeyntii raacay Diyaaradda.
Ilo-wareedka ay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA soo xigatay ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujin kara inay Saraakiil ka tirsan Waaxda Duullista Hawada wax ka ogaayeen Qaraxa lala maaganaa in Diyaaradda iyo Dadka saaran lagu burburiyo.
Dhinaca kale, Ma jiraan Warar ka soo baxay Laamaha Ammaanka oo xaqiijin kara Qoddob-wareedka ay Wakaalladda Wararka XINHUA ka soo tebisay in Saraakiil ka tirsan Waaxda Duulista loo xiray Baaritaanka dadkii ku lug lahaa qarixii ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines maalintii Talaadada ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, Baarayaasha waxay weli raadraac ku hayaan Muuqaalladda ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon (CCTV) ee ku rakiban Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Kaamerooyinkaasi waxaa si wadajir ah u maamula AMISOM, Ciiddanka Ammaanka Somalia iyo Shirkadda Turkishka ee gacanta ku haysa Hawlgalladda Garoonka Aadan Cadde.
Xigasho: XINHUA
©Radio Dalsan
FG: Warbixinta XINHUA ka akhriso Qeybta English News-ka ee radiodalsan.