Xilliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo la Shaaciyay

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay Xiliga Rasmiga ah ee la qaadi doono imtixaanka Dowladda oos anad kasta la qaado.

Qoraal kasoo baxaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa lagu sheegay in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023” ayaa ;agu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaan Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha waxaa ay fartay in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka dhiman.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor