Friday, May 3, 2024

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan muhiim ah yeeshay

kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 139 xildhibaan ayaa guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka waxa ay ku soo bandhigeen warbixinta akhrinta labaad hindise- sharciyeedka hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa golaha usoo bandhigtay qodobada ay ku kordhiyeen hindise-sharciyeedkan iyo meelaha ay wax ka badaleen.

Xildhibaanada ayay ka codsatay in xeerkan si deg deg ah lagu meel mariyo maadaama uu muhiim yahay, sidoo kalena xildhibaanada soo bandhigaan talooyinkooda.

Aqrinta ka dib ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxa ay soo bandhigeen talooyinkooda ku saabsan xeerkan iyo meelaha wax ka badalka u baahan.

xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobada qaar ee ku jira hindise sharciyeedkan ee u baahan in aad loogu fiirsado.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in hay’addaan ay tahay mid muhiim ah loona baahan yahay in talooyin badan xildhibaanada ku daraan dhismaheeda.

” waxaa soo jeedinaya in guddiga aan kala shaqeyno sidii hindise-sharciyeedkan muhiimka ah loo dardar gelin lahaa, hay’addaan horay wey u jiri jirtay hanti Qaran iyo xuquuq ayay lahayd sidaasi darteed wa in talooyinkeena aan ku biirinaa oo fikir badan aan isweydaarsanaa si hay’adda u noqoto mid gudaha iyo dibadda ka shaqeyn karto”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Next Post

POPULAR NEWS

EDITOR'S PICK

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00