Maanta waxaa kulan Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya iyo Mas’uu;iyiin uu ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Labada dhinac ayaa kulankooda waxa ay uga hadleen xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada u dhaxeeya.
Madaxweyne Xaaf oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Wafdiga wakiilka ay u gudbiyeen cabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uu u sheegay in Qaramada Midoobay ay Xafiiska ka furan doono Magalada Dhuusamareeb,isla markana ay soo dhaweynayaan.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday Gaadiid ay laheyd Qaramada Midoobay iyo ilaalo la socotay kuna wajahnaa dhuusamareb ee laga celiyay Magalada Cadaad.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynah Maamulka Galmudug.