Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shalay lagu qabtay doorashada labo kursi oo ka banaanaa guddiga Bay’adda iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
labada kursi ayaa kala ahaa kursiga guddoomiyaha guddiga iyo xoghayaha guddiga.
Inta badan xubnaha guddiga ayaa goobjoog ahaa oo ka qeyb galay doorashada, waxaa goobta doorashada ku sugnaa Xoghayaha guud ee golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha guddiga Bay’adda iyo Kheyraadka dabiiciga ah ee golaha shacabka.
Xoghayaha guddiga waxaa loo doortay Xildhibaan Jawaahir Cabdi Cadaawe.