Warar naga soo gaaray Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegaya in xaakimka Soomaaliyeed ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf mar kale dib loo doortay inuu garsoore ka ahaado maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ee fahdigeedu yahay magaalada Hague.
Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi sida ay VOA u xaqiijiyeen saraakiil Soomaali ah oo ku sugan New York.
Cabdulqawi ayaa ka mid ahaa shan garsoore oo maanta uucod u qaaday Golaha Guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York.
Voasomalia