Faah faahin kasoo baxeysa Dil saaka ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka aan ka heleyno degaanka Dhagtuur oo ku yaalla koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in arroornimadii hore ee saaka halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa dadka degaanka Dhagtuur.

Dad ayaa soo weriyay in Ninka la dilay uu kamid ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee kunool degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay dileen rag hubeysan oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa ku baxay degaanka uu falku ka dhacay, isla markaana la tilmaamay inay wadaan howlgal lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka dhacay.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Maamulka Galmudug ayaa falkaan dilka ah ku eedeeyey  rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, waxaana Ninka la dilay uu kamid ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ee kunool degaanka Dhagtuur ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Marar hore ayaa sidaan oo kale waxaa degaanka Dhagtuur uga dhacay dilal loo geystay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka degaanka, waxaana inta badan dilalkaas ay ahaayeen kuwo salka ku haayay aanooyin qabiil.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor