Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weli waxa ay  howlgalo ay ku baadi goobayaan Al-Shabaab  ka wadaan  inta u dhaxeysa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Dagaal Maalin ka hor  ciidamada iyo Al-Shabaab dhex maray ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo shan qof sida la xaqiijiyay,sidoo kale waxaa jira jidad ay Gooyeen Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose C/naasir Caalim Ibraahim ayaa sheegay in Al-Shabaab deegaanada qaar ay ku jareen  Biyaha Wabiga Shabeelle si aan howlgal looga sameyn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka qaar ay ku amrayaan in ay Wadooyinkaas Wabiga ku furan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Afgooye