Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Shacabka ku nool Magaaladaas.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in dhowr xabadood ay ku dhufteen wiilkaas oo lagu Magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Xaamud Wardheere,sida ay sheegeen Wariyayaal ku sugan Magalada Gaalkacyo.
Raggi ka dambeeyay dilkaas ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsadeen,waxaana gaaray Ciidamo oo lagu soo waramayo inay haatan baaritaano ka wadaan.
Xaamud Wardheere ayaa xalay lagu dhaawacay Magalada Gaalkacyo balse dhaawicii uu saakay u geeriyooday.
Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaas,balse waxaa aad looga dareemay Magalada Gaalkacyo.
Wararka ku soo kordha kala socda Radiodalsan.com.