• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Maanta xukun riday

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 8, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay gudoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen 17-kii bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta weydiistay Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhacca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhacca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xiidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha.
Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca dadweynaha.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalbnan karo rafcaan.

Previous Post

Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magalada Gaalkacyo

Next Post

Dhageyso:-Gudoomiyihii Hore ee C/Casiis” Dowladda way ka mashquushay in ay Difaacdo Shacabkii Al-Shabaab la dagaalamaya”

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Next Post

Dhageyso:-Gudoomiyihii Hore ee C/Casiis” Dowladda way ka mashquushay in ay Difaacdo Shacabkii Al-Shabaab la dagaalamaya"

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

by Liban
July 15, 2025
0

Mogadishu  – In a landmark moment for the Horn of Africa, Somalia officially opened the 34th Policy Organs Meeting of the...

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Wararka laga helayo magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya...

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay in ololaha isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Gobolka Banaadir la kordhiyay...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay hub iyo agab milatari oo ay sheegeen inay kala wareegeen maleeshiyaad hubeysan oo...

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
English News

MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions
English News

Puntland Parliament Ousts MP Abdirashid Yusuf Jibril Amid Lasanod Political Tensions

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • MOGADISHU MAKES HISTORY: Somalia Hosts 34th Eastern Africa Standby Force (EASF) Policy Organs Meeting for the First Time
  • Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
  • Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
  • Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00