Dowladda Qatar oo cambaareysay qarixii ka dhacay Garoonka K/cagta ee magaalladda Baraawe

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay cambaaraynayaan weerarkaasi oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay Garoon ku yaalla Baraawe, iyadoo ay 4 ciyaartoy ku geeriyootay, halka kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Bayaanka waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Qatar  tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku geeriyooday qaraxaasi, waxayna kuwii ku dhaawacmay u rajeeyeen caafimaad degdeg.

Dhinaca kale, ALShabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi oo ay tilmaameen inay la beegsadeen Ciiddan iyo mas’uul ku sugnaa Garoonka K/cagta ee magaalladad Baraawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media