Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed ayaa ka Jawaabay hadal kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ahaa in ardayda degaannada Puntland oo aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare ee Dowladda.
Wasiir Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in Shahaadada waxbarashada dowladda uu leeyahay arday kasto oo Soomaali ah, isla markaana galay Imtixaan la yaqaano.
Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in Wasiir Goodax Barre uusan Arday kasto oo Soomaali ah ha joogo Hargeysa ama Boosaaso kahor istaagi karin Shahaadada Dugsiga Sare.
“Shahaadada waxbarasho waxaa leh arday kasta oo Soomaaliyeed oo imtixaan la yaqaan galay, Hargeysa ama Boosaaso ha joogo, Goodaxna kama hor istaagi karo” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Maxamed.
Hadalka Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Wasiir Goodax Barre uu sheegay in ardayda degaannada Puntland oo aan ka qeybgelin Imtixaanka Shahaadiga ee ay dowladu qaadeyso aan la siin doonin Shahaadada Dugsiga Sare.
Sanadkii hore ee 2019 ayaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxaa ay Shahaadada u diiday ardayda degaannada Puntland taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed,balse wadahadallo labada dhinac dhex maray kadib la siiyay.