Xarun muhiim ah oo COVID-19 Awgiis loo xiray oo saaka dib loo furay

Waxaa Maanta oo tallaado ah dib loo furay Xaruntii dadka ay ka heli jireen warqadda dembi la’aanta ee CID-da, kadib markii kal horey loo xiray saameyntii ka dhalatay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Afhayeeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in xaruntaas Maanta dib loo furay, isla markaana ay dib u bilaaban doonaa Adeegyadii CID –da oo dadweynuhu ay ka heli jireen halkaas.

Afhayeen Dhame Sadiiq Aadan ayaa waxaa uu sheegay in la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego, iyadoo laga taxadarayo faafida Cudurka COVID-19.

“Waxaa la sameeyay habraacyo cusub iyo isbedello kuwaasi oo bulshada u sahlaya in si fudud loogu adeego, loogana taxadaro Covid-19 iyo amniga shacabka, weji xir (Masks ayay dadku soo qaadanayaan, shaqaduna waxaa ay bilaabanaysaa 6:00 aroornimo ilaa 12: Duhurnimo ayayna soconaysaa”ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Howlihii shaqo ee CID ayaa la joojiyay 19kii bishii Marso 2020, sababo laxiriira Covid-19,Warqadda CID laga qaato ayaa khuseysa, Visaha, Baasaboorka, Leysimada iyo qofka shaqo doonka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media