Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay Qaraxii Ismiidaaminta ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan barqanimadii Maanta lagu weeraray Xerada ay degan yihiin Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo kaabiga ku heysa Garoonka Stadium Muqdisho oo bishii hore dib loo furay.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari aan weli noociisa la sheegin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana lagu dhuftay Albaabka hore ee Xerada Guutadda 12-ka April ee Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka iyo shacab ah ayaa ka dhashay qaraxaas oo Jugtiisa siweyn loo maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 9 Askari oo ka tirsan Ciidamadii ku sugnaa Xerada ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka in ka badan 12 qofna ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo gaadiidka Gurmadka deg Deg ah looga soo qaaday goobta, isla markaana lagu geeyay Xarumaha Caafimaadka ee Caasimadda.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkii xooganaa ee Maanta lagu qaaday xerada ay degan yihiin  Guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo Burbur gaadiid, in kastoo aysan shaacin tirro Khasaaro ah oo ka dhashay weerarka, iyadoo Warka ay soo saareen Shabaab intaas lagu ekeeyay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana uu ku soo beegmayaa, iyadoo todobaadkii hore Qarax Caasimadda uu geystay Khasaaro kala duwan.

Comments
Loading...