Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka ku sheegay in lix qof oo Turki ah oo laba xaaladdoodu halis tahay ay ku dhaawacmeen qaraxaa maanta dhacay Degmada Afgooye ee Sh/Hoose.
Waxa kale oo uu intaa ku daray in sidoo kale dadka dhaawacmay ay ku jiraan 9 Soomaali ah oo lagu dabiibayo Isbitaalka Racep Tayyip Erdogan ee Magaalada Muqdisho.
“Baabuur miidaame ah oo xawli badan ku socda ayaa galay goob ay Injineero Turki ah iyo askar booliska ahi ay ka qadaynayeen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Rueters.
Wasiirka arrimaha dibaddaTurkiga ayaa isna qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey ku sheegay in weerarad noocan ahi aanay ka joojinayn dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaanu intaa ku daray in ay mar walba garab taaganyihiin walaaladooda Soomaaliya.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Degmada Afgooye, kaas oo lala eegtay Injireero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda oo ilaalo u ahaa.