Kooxo hubeysan ayaa goordhow agagaarka degmada Waabari ku dilay askari ka tirsan ciidalamada Dowladda.
Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cadoow waxaana xiliga la dilayay la sheegay in uu ku sugnaa maaqad laga cunteeeyo oo dhalinyaradu ay ku ciyaraan Turub.
Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta waxaana durbadiiba la sheegay in ay soo gareen ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Booliska Soomaaliya.
Waqtiyadii ugu dambeyaya magaalada caasimadda ee Muqdisho waxa ku soo badanayay dilal loo gesanayo askarta ciidmada dowladda Soomaliya welina ma jirto cid loo qabtay dilka askarta ciidamada dowladda.