Xulka qaranka Soomaaliya oo garaacay dhigooda Tanzania

Waxaa Maanta Magaalada Nairobi Caasimada dalka Kenya kulan kubadda koleyga ah uu ku dhexmaray xulalkaTanzania iyo Soomaaliya.

Kulan ciyaareedka u dhexeeyay Soomaaliya iyo Tanzani ayaa ka tirsanaa Isreebreebka ciyaaraha loogu soo baxayo tartanka kubada koleyga bariga iyo bartamaha Afrika oo sanadkan ay marti gelineyso Kenya.

Xulka Soomaaliya ayaa awood u sheegtay dhiggiisa Tanzani, waxaana labada dhinac ay soo Bandhigeen ciyaar xiiso badan.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 84 iyo 101 oo ay Soomaaliya guusha ku raacday, waxaana Tanzani uu helay 84 Gool.

Si kastaba xulka Qaranka Soomaaliya uma soo bixin tartanka kubada koleyga bariga iyo bartamaha Afrika 2021,hayeeshee waxaa uu tartanka kaso haray isagoo sita laba guul oo qiimo leh, waxaana qaranka lagu amaanay ciyaar wanaag.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media