Boqolaal qof oo issugu jirta Siyaasiyiin Rug-cadda ah, Qurbo-joog, Wasiiro hore iyo Saraakiil hore oo ka soo jeeda Beelaha wada deggan Goballadda W/bari Somalia ayaa buux-dhaafiyey Caasimadda Maamul-gobaleedka Puntland ee Garowe.
Hadafka Guud ee Siyaasiyiintaasi u tageen Garowe ayaa ah sidii ay ugu mid noqon lahaayeen Liiska Xildhibaanadda Puntland uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka Somalia ee lagu wado in bisha Novbember la soo xulo.
Caqabadda hor taagan Siyaasiyiintaasi ayaa la sheegay inay tahay iyadoo ay Puntland 11 xubnood ku yeelanayaan Aqalka Sare oo ka kooban 54-xubnood.
Mas’uuliyiinta ugu tunka weyn ee Reer Puntland ee u xusul-duubaya Saamiga Puntland ee Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ayaa waxaa laga xusui karaa:-
- Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, ahna Musharax Madaxweyne Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
- Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Musharax Madaxweynee, C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.
- Jeneral Maxamed Saciid Morgan, Sarkaal ka tirsanaa Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia, ahna Musharax Xildhibaan Aqalka Sare.
- Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Federalka, Cali Jaamac Cabdulle “Jangali”, ahna Musharax Xildhibaan.
- Cali Xaaji Warsame, Wasiir hore, ahna Milkiilaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis.
- Maxamed Cabdi Yuusuf.
- Cawil Xasan, Wasiir hore ee Puntland.
- Xildhibaan C/risaaq Juriile, Xildhibaan Barlamaanka Federalka.
- Cali Ismaaciil Giire, Jeneral iyo Wasiir hore.
- Maxamed Cabdi Xaabsade, Wasiir hore Puntland iyo Somaliland.
- Sureer Cabdi Haamaan, Guddoomiyaha Haweenka Puntland.
- Canab Cilmi, G/xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa la sheegay inay ku adkaan doonto sidii uu u soo xuli lahaa Liiska Xildhibaanadda Aqalka Sare, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwo ay Xiriir Siyaasadeed, Shaqo, Saaxiibtinimo iyo Ehelnimo wadaagaan.
Waxaa laga cabsi qabaa inay Magacaabistaasi khatar u keento Xaalladda Ammaanka ee Puntland iyo Dagaal-beeleedyo ka qarxo Puntland, haddii ay Musharixiinta ugu tunka weyn dadka u xusul duubaya Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka iska waayaan Liiska Xildhibaanadda Puntland uga mid noqon doona Aqalka Sare.
Teeda kale, Caqabad kale oo Heer Qaran ayaa waxaa lagala kulmi karaa iyadoo aan Faham buuxa laga haysanin Awoodda Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka, oo loo dhisay in Isbaaro Siyaasadeed u noqdo Go’aan kasta oo ay Barlamaanka Shacabka anisixyaan.
Hassan Ali Osman “Istiila”
©Radio Dalsan