Ciidamadda AMISOM Oo Qarax Miino Lagula Eegtay Duleedka Degmadda Mahadaay

Wararka ka imaanaya duleedka degmadda Mahadaay ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino lagula eegtay kolonyo ka tirsan gawaaridda ciidamadda midowga Africa ee AMISOM.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa la warinayaa in waxyeelo ay kasoo gaartay ciidamadda AMISOM ee halkaasi marayay.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Ciidamadda AMISOM ayaa hadda lasoo warinayaa in baaritaan ay ka wadaan duleedka degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor