Waare oo la kulmay mas’uuliyiinta Shirkadda dhiseysa wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho

Madaxweynaha Maamul Goboleedka  Hirshabelle Maxmed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha iyo Howlwadeenada Shirkadda Dhiseysa Wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho ee ENEZ shirkani oo ah shirkad Turki ah waxaana sidoo kale mashaariic kale duwan ay ka fulineysaa Hirshabelle.

Madaxa Shirkadda ENEZ ayaa madaxweynaha Sharaxaad ka siiyay fulinta mashruuca Wadada oo hadaba bilowday, sidoo kale waxa uu soo bandhigay qorshaha, ka hortaga fatahaada wabiga Shabelle oo dhowaan Turkiga Uu fulinayo mashaariic la xiriira Fatahaada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media