Maxamed Abshir Nuur oo kamid ahaa Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii uu ahaa Guddigaas.
Maxamed Abshir Nuur oo Shir Jaraa’id ku qabtay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabistii uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle uusan kala sameyn wadatashi,isla markaana waxaa uusan ka ogeyn magacaabistaas.
Sidoo kale Maxamed Abshir Nuur ayaa waxaa uu tilmaamay inuusan dooneyn kamid ahaansha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee uu magacaabay Wasiir Maxamed Cali Caadle.
Dhinaca kale Magacaabista Guddiga Xuduudaha Hirshabeelle ayaa waxaa ka horyimid qaar ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.
Si kastaba Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa lagu magacaabay ahaa Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha maamulkaas,kuwaasi oo laga soo kala xulay deegaanada Hirshabeelle.