Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Baaq soo saaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaal beeleed maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu ku baaqay in si Deg-deg ah loo joojiyo Codaalada xun ee ka socota Degmada Wanla-weyn, taasi sababtay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo in dad la gubo.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay u istaagan sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyada ka socda deegaanada Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal beeleed maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo, isagoona ku baaqay la joojiyo dagaal beeleedyada.

“Hoggaamiyayaasha, odayaasha beelaha iyo guud ahaan dadweynaha reer Jubbaland iyo Koonfurgalbeed waxaan ugu baaqayaa iney u guntadaan joojinta colaadda ka dhex taagan walaalaha dagaalamaya ee degaannadooda. Dhiig la daadiyo mid kale oo la sii daadiyo waxaan ahayn kama dhashaan ee ha loo degdego joojinta colaadda iyo ka shaqeynta dib u heshiisiin waarta” ayuu yiri Xasan Sheekh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media