War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carata, Maxamuud Cafiifi ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan Heshiiskii Xabbad-joojinta ee ay Madaxda Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland dhawaan ku gaareen magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
“Heshiiskaasi ayaa ah Tallaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka, waxaana la bogaadiyey Dowladda Imaaraadka Carabta oo kaalin ka qaadatay Dhexdhexaadinta iyo Heshiiska Maamuladda Galmudug iyo Puntland.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carata, Maxamuud Cafiifi waxa kale oo uu tilmaamay inay Ururka Jaamacadda Carabta sii wadayaan Taageeradda ay siinayaan Somalia, iyadoo laga ambaqaadayo Go’aanadii ka soo baxay Shirarka Madaxda iyo Golaha Wasiiradda ee Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan Doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxweynaha oo dhici doonta dabayaaqadda sannadkan.
Mar sii horreysay, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu Wafdi u soo diray Somalia, si ay u kormeeraan Doorashadda Somalia iyo inay ku biiraan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, kaasi oo ay xubno ka yihiin Ururka Midowga Afrika iyo QM.
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxa kale oo uu sheegay inay Dowladda Federalka siiyaan Taageero dhaqaale oo uu ka xusay Kharaj dhan 90,000 oo Dollar oo lagu qalabaynayo Isbitaalka Jamaacadda oo ku yaalla Degmadda Shingaani ee magaalladdan Muqdisho.
Dhinaca kale, Dowladda Baxrayn ayaa soo dhaweeyey Heshiiska Galmudug iyo Puntland ka gaareen Heshiiska Xabbad-joojinta ee ay gaareen Dagaalkii Gaalkacyo.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dowladda Baxrayn ayaa lagu soo dhaweeyey Heshiiskaasi, waxayna sheegeen inay Somalia ka taageeri doonaan dadaalka ay ugu jiraan Nabadda iyo Horumarka.
©Radio Dalsan