Hillary Clinton oo ah Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxtinimadda Maraykanka ayaa hadalkaasi ka sheegtay Isku-soo-bax shalay ka dhecay Gobalka Fenesifeliya.
Hillary Clinton iyo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waxay bishan 9-kii ku loolami doona Doorashadda Madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Hillary Clinton waxay kaloo xustay inay Donald Trump suurtogal tahay inuu dagaal bilaabo, haddii la soo doorto, waxayna intaasi ku dartay in uu Donald Trump horey u aflagaadeeyey Qaran kale.
Waxay intaasi ku dartay inuu Donald Trump jecel yahay inuu bilaabo dagaalka haddii la doorto, maadaama uu dareensan yahay inuu aflagaadeeyey Qaran kale.
Waxay kaloo sheegtay inuu Musharaxaasi Boqolaal million oo Dollars dhigtay Bangiyo iyo Dowlado shisheeye, iyadoo uusan arrintaasi u soo bandhigin dadka Maraykanka.
Dhinaca kale, Cod-ururin dhawaan la qaaday ayaa muujinaysa inay Hillary Clinton 2.3% kaga horeyso Musharaxa Donald Trump.
©Radio Dalsan