Qaar kamid ah darawalada gaadiidka nooca dadweynaha raacaan ee ka howlgala degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta banaanbxa cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho.
Gaadiidleyda BL-ka ayaa banaanbaxa ay dhigeen uga soo horjeeday lacago aan sharci aheyn oo ay sheegeen inay ka qaatan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Qaar kamid ah gaadiidleyda BL-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamo hubeysan ay Jid-gooyooyin u dhigteen gaadiidka ka howlgala degmooyinkaas, isla markaana looga qaado lacago aan sharci aheyn oo ay ku sheegeen inay tahay Baad.
Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood Ciidanka lacagta ka qaada ay dhibaato u geystaan dadweynaha saaraan gaadiidka ay wadaan, lagana dhaco Moobeelada iyo waxyaabaha kale oo ay wataan, waa sida hadalka loo dhigay.
Maamulada degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayey gaadiidleyda ugu baaqeen inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay ku qabaan Ciidanka ka tirsan dowladda Federaalka ee lacagta uga qaada degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin, iyagoona xusay in heystaan sharciyada gaadiidka looga baahan yahay.