Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Sadiiq Sadiiqi ayaa sheegay in Nin ku labisnaa dharka Boliska uu xalay tacshiirad ku furay dad isugu yimid Xaflad Diimeed ka socotay caasimadda dalkaasi ee Kaabul.
Dadka la dilay ayaa la sheegay inay ka soo jeedeen Muslimiinta Shiicada ee laga tiro badan yahay, kuwaasi oo u dabaal degayey Maalinta Cashuura.
Weerarkaaasi waxaa kaloo lagu dhaawacay ugu yaraan 43 qof, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaalo ku yaalla Kaabul.
Dhinaca kale, Maleeshiyadda Daalibaan ayaa la sheegay inay shalay qabsadeen Degmadda Gormaj ee W/galbeed ee Afganistan, kadib, markii ay u itaal sheegteen Ciiddankii Dowladda ee halkaasi ku sugnaa.
©Radio Dalsan