Faahfaahin: Muwaadin British iyo Haween asalkooda Somali yahay oo shalay lagu xiray Nairobi.

Boliska Kenya ayaa sheegay inay shalay galab Xaafadda Girgiri ee magaalladda Nairobi ka soo qabteen Muwaadin British ah iyo 2 Haween oo Somali ah, kuwaasi oo ay Boliska ku eedeynayaan  inay xiriir la leeyihiin Xarakadda Alshabaab, waa sida ay hadalka u ddhigeen.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay inay Hawlgal weyn oo dhinaca Ammaanka ku soo qabteen dadkaasi.

Boliska waxay magaca Muwaadinka British-ka ku soo koobeen Tom, lamana shaacinin magacyadda labada Haween ee asalkoodu Somali yahay ee lagu qabtay Hawlgalkaasi.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista Boliska Kenya, Ndegwa Muhoro oo booqaday guriga laga soo qabtay dadkaasi ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Hawlgalkaasi, inkastoo uu sheegay inuu War Saxaafadeed ka soo saari doono arrintaasi.

Mid ka mid ah Ilaaladda Ammaanka ayaa u sheegay XINHUA in Muwqaadinka British-ka ku nool gurigaasi addexdii sanno ee la soo dhaafay iyo inuu dhowr jeer u socdaalay gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Boliska Kenya ayaa sheegtay inay guriga uu ku noolaa Muwaadinkaasi British-ka ka soo heleen ay ku Buugaag, Laptops iyo qalab kale.

guriga-tom-jones kenya-police

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor