Dad ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday degmada Kaaraan

Dhimashada dadkaan ayaa timid kadib markii is rasaaseyn xoogan ay Maanta duhurkii Gudaha Suuqa degmada Kaaraan ay ku dhexmartay Ciidamada Maamulka degmada ee Suuqaas ku sugan iyo Koox burcad ah.

Dad ku sugan suuqaas ayaa u sheegay Dalsan in is rasaaseynta ay timid kadib markii Koox burcad ay suuqaasi soo gashay,kuwaas oo horay Ganacsatada cabasho uga gudbiyeen,waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal.

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaas,waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay isku-socodka dadka iyo Ganacsiga.

Maamulka degmada Kaaraan weli kama hadlin dagaalkaas,hayeeshee degmada Kaaraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkan Banaadir,hayeeshee bilihii u dambeysay isbedel laga dareemay.

Sido kale dadka ku nool degmada Kaaraan iyo Ganacsatada Suuqaas ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo hubeysan,kuwaas oo mararka qaar dhac ka geysta degmadaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor