Wargeyska Le Monde ee ka so obaxa magaalladda Paris ayaa shalay qoray inay 2 Askari oo Faransiis ah si xun loogu dhaawacay, iyadoo mid ka mid ah xaaladiisa u dhexeyso nolol iyo geeri.
Waa Weerrakii Koowaad ee ay Kooxda Daacish u adeegsadeen Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Droneska.
Wargeyska Le Monde waxa kale oo uu qoray in duqeyntan oo dhacday bishan October 2-dii lagu dilay 2 Dagaalyahan oo ka tirsan Ciiddanka Peshmerga ee Dowlad-gobaleedka Waqooyiga Iraq.
Wasaaradda Gaashaandhiga Faraniiska wey ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan Dhacdada uu baahiyey Wargeyska Le Monde.
Ku-dhawaad 500 Askar Faransiis ah ayaa ku sugan gudaha Iraq, kuwaasi oo qeyb ka ah Isbahaysiga Maraykanka ee La-dagaalanka Kooxda Daacish.
©Radio Dalsan