10-sanno ka hor, Hoggaamiyayaasha Caalamka waxay isku raaceen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa in Carruurta loo qorto si ay u noqdaan Askar dagaalanta.
Ilaa 300,000 oo Carruur ayaa la rumeysan yahay in ay Askar ahaan kaga shaqeeyaan dalalka ay Colaadaha ka jiraan ee Caalamka, iyadoo la sheegay inay carruur isugu jira wiilal iyo gabdho da’dooda tahay 7-jirro ku adeegsadaan Ciiddamadda Dowladaha iyo Kooxaha Mucaaradka Hubeysan.
Toddobaadkii la soo dhaafay, Hoggaamiyayaasha Caalamka waxay isugu tageen Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris si ay ugu dabaal-degaan Munaasabadda 10-sanno guuradii ka soo wareegfay “Heshiiskii Ballanqaadkii Paris “The Paris Commitments” ee lagu soo af-jaray in Carruurta loo adeegsado Colaadaha.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa lagu muujiyey in 10-dal weli carruurta loo qorto inay dagaalamaan, waxayna dalalkaasi kala yihiin: Somalia, South Sudan, Kongada Dimuqraadiga, Afrikada Dhexe, Nigeria, Syria, Iraq, yemen Afganistan iyo Myanmar oo horey loo oran jirey Burma.
Warbixinta waxaa si gaar ah loogu soo qaatay Askaraynta Carruurta ee Somalia, iyadoo QM sheegtay bishi iApril ee sannadkii hore in 903 carruur ah loo qortay Askar ahaan.
Qoraalka waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Dowladda askareeyeen 218-carruur, iyadoo Xarakadda Alshabaab la sheegay inay 555 carruur ah u qorteen dagaalka, waa sida lagu xusay Warbixinta oo shalay lagu soo daabacay Shabakadda Wararka Reliefweb.international oo ay Hay’adda OCHA maalgeliso.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Maleeshiyaadka Beelaha qorteen 68 Carruurah.
Ciiddanka Maamulka Galmudug ayaa la sheegay inay 17 carruur u qorteen Askar, halka Maamulka Ahlu-sunna Wal-jameeca qorteen 40-carruur oo u dagaalama.
©Radio Dalsan