Afhayeenka Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM, Joel Millman ayaa digniintaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, wuxuuna sheegy inay 3 Dal oo Afrikaan ah iyo Yemen khatar ugu jiran inay dadka u geeriyoodaan macluul, haddii aan lala soo gaarin Gargaar Degdeg ah.
In ka badan 20-million oo qof ayaa la sheegay inay la dhibaataysan yihiin cunto-yari ka jirta dalalka Somalia, South Sudan, W/bari Nigeria iyo Yemen.
Ku-dhawaad 100,000 oo qof oo ku nool dalka South Sudan ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay macluul darteeda u geeriyoodaan.
Xaalladda Macluusha ee Somalia waxaa u soo dheer Abaaro iyo Colaado ka jira qeybo ka mid ah dalka.
Afhayeenka IOM waxa uu tilmaamay in Xaalladda Aadminimo ee ka jirta Somalila tahay mid sii baahayso, wuxuuna tilmaamay inay kordhayaan dadka u firxanayo dalalka deriska, iyagoo baadi-goobaya Baad iyo Biyo iyo Adeegyadda Asaasiga, waa sida uu hadalka u dhigay
Hadalka Hay’adda IOM ayaa ku soo beegantay, xilli uu Madaxweynaha JFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo shalay ku dhawaaqay inay Somalia ka jirto Masiibo Qaran oo ka dhalatay Abaaraha, loona baahan yahay Gargaar Degdeg ah.
©Radio Dalsan