Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaanka Gumare, oo ku yaalla duleedka degmada Moqokori. Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada deegaanka, gaar ahaan xoogagga Macawiisleyda, iyo Al-Shabaab.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo deegaanka ah, dagaalka ayaa billowday saaka kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Gumare. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in weerarka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo la bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay halkaasi isku uruursanayeen.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, hase yeeshee lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha dhimasho ama dhaawac. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in dagaalka uu sii socon karo saacadaha soo socda.
Illaa iyo hadda, kama soo bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan maamulka gobolka Hiiraan, dowlad-goboleedka Hirshabelle ama dowladda dhexe ee Federaalka Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa qayb ka ah howlgallada sii socda ee ay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda Federaalka ka wadaan gobollada dhexe, si looga saaro kooxda Al-Shabaab meelaha ay weli kaga sugan yihiin.