Raashiya iyo Shiinaha oo gaashaanka ku dhuftay Cunqabatayn lala magaanaa Syria

Dowladda Raashiya iyo Shiinaha ayaa ku gacan sayray Qaraar ay Golaha Ammaanka ee QM ku doonayeen inay cunaqabatayn saaraan dalka Syria.

Waa markii 7-aad ee ay Raashiya u adeegsato Awoodda Qayaxan ee VETO qaraar lagu ciqaabi lahaa Dowladda Syria.

Qaraarkaasi oo ay isku soo duween dalalka Faransiiska, Britain iyo Maraykanka oo xubno ka ah Golahaasi ayaa ku baaqayey in Syria lagu soo rogo Cunaqabatayn, iyadoo lagu eedeynayo inay Hubka Kiimikadda u adeegsadeen Dagaalka 6 sanno jirsaday ee ka socda dalkaasi.

 

9 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM ayaa u codeeyey, iyadoo dalka Bolivia ka soo horjeesatay Qaraarkaasi, halka Ergadda dalalka Masar, Ethiopia iyo Kazakhistan ka maqnaayeen Cod-bixintaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Al-asad waxa uu beeniyey inay ciiddankiisa Hubka Kiimikadda u adeegsadeen Dagaalka ka socda dalkaasi.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media