Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan muhiim ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isagoo sii wada gogosha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa Madaxweynaha uu ku qaabilay masuuliyiin sare oo horey xilal uga soo qabtay dalka, oo ay kamid yihiin madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ajandayaashii horay loogu heshiiyay, oo ay ugu waaweyn yihiin:
-
Dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka
-
Hirgelinta doorashooyin toos ah oo ku saleysan hal qof iyo hal cod
-
Iskaashiga lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga qaranka
Dood adag ayaa hadda u socota dhinacyada ku lugta leh wadatashiga, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka, kuwaas oo ah labada qodob ee ugu miisaanka culus ee madasha lagu falanqeynayo.
Kulamadan isdaba-jooga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in lagu gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan mustaqbalka hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo la rajeynayo in wadatashiyadan ay horseedaan midnimo siyaasadeed iyo xasillooni waarta.