Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Jimcihii shaaciyay inuu kulan gaar ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta, Sheekh Cabdullaahi bin Zayed Al Nahyan, kaasoo diiradda lagu saaray dadaallada lagu raadinayo xabbad-joojin waarta oo ka dhacda Marinka Qaza.
Lapid ayaa barta X (hore Twitter) ku daabacay sawir isaga iyo Wasiir Cabdullaahi bin Zayed ah, isagoo sheegay: “Waxaan la joogaa saaxiibkey, Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka. Habeen hore [Khamiis] waxaan ku kulannay Abu Dhabi, annaga oo ka wada hadalnay xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah iyo soo celinta la haysteyaasha.”
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraatka, WAM, ayaa sidoo kale xaqiijisay kulanka labada mas’uul, hase yeeshee ma aysan xusin in Lapid uu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Imaaraatka, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, inkasta oo Lapid sheegay inuu kulankaas dhacay.
Kulankan ayaa imaanaya xilli xiisado xooggan ay ka taagan yihiin Qaza, iyadoo beesha caalamka ay wada wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu yareynayo colaadda, looguna gogol xaarayo xal siyaasadeed oo waara.