Talyaaniga oo Galmudug u ballan qaaday mashaariic horumarineed

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka  ku xigeenka Dowladda Talyaaniga  H.E Fabio Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la wadaagay Safiir Ku xigeenka guulaha muhiimka ah ee maamulka cusub gaar ahaan natiijadii dhowaan ka soo baxday shirkii Dhuusamareeb 3 ee u dhexeeyay madaxda DFS & FMS.

Madaxdu waxay diirada saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga, taas oo kor u qaaday nolosha dad badan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media