Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Xil iyo Dalaciisiin siiyey Xasakiisa iyo Curudka Wiilashiisa, wuxuuna Isbedel ku sameeyey Taliska Guud ee Milliteriga Uganda.
Madaxweyne Museveni waxa uu darajadda Sarreeye Gaas u dallacsiiyey Wiilkiisa curudka oo lagu magacaabo Muhoozi Kainerugaba oo 42-jir ah, wuxuuna ka dhigtay La-taliyaha Sare ee Madaxtooyadda.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xaaskiisa Janet u magacaabay Wasiirka Waxbarashadda, iyadoo Madaxweyne Museveni markii 5-aad uu ku guuleystay Doorashadda Madaxtinimadda ee dalkaasi.
Isku-shaandheynta uu Madaxweynuhu sameeyey waxay kaloo saamayn ku yeesheen qaar ka mid ah Taliyayaasha Milliteri ee dalkaasi.
Taliyihii Ciiddanka Taliyihii Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Andrew Katumba Wamala oo dhawaan booqasho ku yimid Muqdisho ayaa laga qaaday Xilka Hoggaaminta Milliteriga, waxaana laga dhigay Wasiiru-dowlaha Shaqada ee Xukuumadda Uganda.
Dhinaca kale, Taliyihii Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee xilkaasi ka degayo, Sarreeye Guuto Sam Okiding ayaa loo dallacsiiyey Sarreeye Gaas, waxaana loo magacaabay Taliyaha Ciiddanka Madaafiicda Goobta (The Commander Field Artillery).
©Radio Dalsan