Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kormeer shaqo waxaa uu ku tegay xerada Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Balidoogle ee ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliye Odawaa ayaa kormeer uu tegay xerada Balidoogle ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana markii uu gaaray Taliyaha halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil iyo Ciidamo.
Ujeedka uu Taliye Odawaa Yuusuf Raage u tegay xerada Balidoogle ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa u kuurgalida xaaladda guud ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan halkaas.
Sidoo kale inta uu Balidoogle joogay Odawaa Yuusuf ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatan Saraakiisha iyo Ciidamada, isla markaana waxaa uu ku bogaadiyay inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.
Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhamaan qeybaha ay ka koobantahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka, isla markaana ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose.