Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo ka qeyb galay Aaska Madaxii gaadiidka Booliska CID-da

Allaha u Naxariistee Waxaa Magalada Muqdisho lagu aasay Madixii Gaadiidka Booliska Xarunta dambi-baarista ee CID-da oo saakay Magalada Muqdisho.

Sarkaalka ayaa kooxo ku hubeysnaa bastoolado waxa ay saakay ku dileyn agagaarka Buundooyinka ee degmada Waaberi xilli uu ka soo baxay Hoygiisa,iyada oo dadkii ka dambeeyey dilkiisa ay baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu aasay Isbitaalka Madiina ee Magalada Muqdisho,waxaana aaskiisa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) Taliyaha Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay aaska ayaa waxa ay sheegeen in Sarkaalka uu ahaa Nin fir fircoon oo Shaqadiisa ka adag,balse ay dishay gacan ka xaqdaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor